Muqdishi (Caasimada Onlone) –ย Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow madaxweynaha Somalia, ayaa sheegaya in Xassan Sheekh uu wado qorsho uu isugu yeeraayo Odayaasha ay ka go’do tallada gobollada Puntland iyo Jubbaland.
Ujeedka uu ku kulminaayo Odayaasha ayaa ah mid uu ula gol leeyahay hirgalinta Mowqifkiisii la xiriiray nidaamka lagu sii maamulaayo dalka, waxa uuna qorshaha lagu soo xiro galinaayo Odayaasha u xil saaray ilaa Seddex mas’uul oo ka howlgala Xafiiskiisa kuwaasi oo kasoo kala jeeda deegaanada ay maamulaan Jubbaland iyo Puntland.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa doonaayo in Odayaashaasi uu kala hadlo arrimo dhowr ah oo khuseeya doorka Odayaasha iyo inuu ku wargaliyo qaabka ay Dowladu kusoo xulan doonto Baarlamaanka cusub.
Xassan Sheekh ayaa doonaaya in Odayaasha iyo Madaxweynayaasha maamuladaasi uu kala dilo isaga oo isku adeegsanaaya si uu u dhaqan galiyo inta uga harsan hadafkiisa.
Waxaa Xassan Sheekh arrintaani ku garabsiinaaya tirro Odayaal dhaqmeed oo u dhoon-daloola xiriirka Odayaashaani, inkastoo aysan cadeyn sida uu xaalku noqon doono.
Docda kale, Odayaasha Soomaaliyeed ayaa intooda badan taageersan nidaamka hadda lagu soo xuli doono Baarlamaanka imaan doona, si ay halkaasi uga dhex macaashaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]