Xog: Qaabkee ayaa loo agaasimay qaraxii Daalo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in diyaaradii Daallo Airlines ee ku jirtay duulimaadka D3159 loo adeegsaday qarax is miidaamin ah oo lagu geystay Kombiyuutar Labop ah oo lagu cabeeyay waxyaabaha qarxa sida ay sheegeen khabiirada baaritaanka Airbus A321

Dowladda Federaalka ayaa goor dhoweyd xaqiijisay in qaraxa Daallo ku dhacay uu ahaa qarax is miidaamin, waxaana goor dhoweyd arrintan ku dhawaaqay wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Ali Jaamac Jangeli.

Warka ayaa sheegaya in is-miidaamiye watay Laptop cabeysan uu ka danbeeyay qaraxii ka dhacay diyaaradda Daallo Airlines, waxaana uu diyaaradda la saarnaa computerka waxyaabaha qarxa lagu dhex sameeyay.

Khabiirada Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ay ee baaritaanka ku sameeyay diyaaradda Daallo ayaa caddeeyay in ninka odayga ah ee ka dhacay diyaaradda uu ahaa qofka qaraxa geystay. Sida ay qortay jariirada WSJ waxaa ninkan uu ahaa is -miidaamiye loogu talogalay inuu diyaaradda qarxiyo.

C/llaahi C/sallaan Boorle oo ahaa ganacsade degan magaalada Hargeysa ayaa falkan ku kacay sida muuqata, waana nin 55 sano jir ah oo la sheegay inuu arrimo caafimaa u socday, iyadoo markii hore uu doonayay iskana diiwaan geliyay inuu raaco diyaaradda Turkish Airlines oo Muqdisho uga baaqay tuhun iyo xaalad ammaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com