28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xog: Xasan oo goordhow hortagaya BF, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud hortagi doono Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa lagu balamiyay Golaha Baarlamaanka Somalia, waxa uuna Madaxweyne Xassan Guddoonka Sare Baarlamaanka ka codsaday inay u saamaxaan in maanta oo Axad ah uu ka hor khudbeeyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa maalinimadii shalay Xildhibaanada ku wargaliyay in maanta oo Axad ah uu soo hor istaagi doono Madaxweynaha Dalka.

Jawaari ayaa sidoo kale, Xildhibaanada ka codsaday inay ilaaliyaan wakhtiga, kana soo wada qaybgalaan khudbadda la fillaayo inuu u jeediyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama oga sababta uu Xassan Sheekh u dalbaday inuu ka hor khudbeeyo maanta oo Axad ah Baarlamaanka Somalia, waxaana sidoo kale la ogeyn waxa uu ka hadli doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News