Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland oo warbaahinta kula magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay wadahadalada u dhaxeeyay dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo muddo ku dhow sanad ka hor ka dhacay magaalada Istanbul.
Sacad Cali Shire, wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland wuxuu raji wanaagsan ka muujiyay in guul laga gaaro qodobada ay ka wada hadlayaan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kuwaasi oo muddo badan aan natiijo laga gaarin.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Turkiga aybadashay doorkii wadahadalka maadama markii hore ay kaliya gogosha u dhigeysay wadahadalka labada dhinac, balse wuxuu haatan sheegay in Turkiga uu toos u dhex dhexaadinayo dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Dhinaca dowlada Soomaaliya ayuu u diray baaq ah iney ixtiraam u muujiyo dhanka wadahadalka iyo maamulka Somaliland, maadaama markii ugu dambeysay ee lagu kulmayay magaalada Istanbul ay dowlada Soomaaliya u dirtay wadahadalka xubno kasoo jeeda deegaanada Somaliland.
Somaliland ayaana xiligaasi diiday iney wadahadal la gasho shaqsiyaad kasoo jeeda deegaanada Somaliland taasi oo murun xoogan gelisay wadahadalka.
https://www.youtube.com/watch?time_continue=5&v=2ralT9–zMc
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

