Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia kulan laba geesood ah u yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari” iyo Danjiraha Britain u fadhisa Somalia Harriet Mathews.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu lafa guraayay Xildhibaanada cusub ee imaan doona, u diyaar garowga Doorashada, Habka ay ku imaan doonaan Xildhibaanadaasi iyo arrimo kale.
Gudoomiyaha Baarlamaaka Somalia Jawaari ayaa faahfaahino dheeraad ah kasiiyay Mr Harriet Mathews qaabka ay Dowlada Somalia u wado qorshaha, waxa uuna xasuusiyay in Dowlada Somalia ay ka dhabeyn doonto codsiga wakiilkii hore ee QM u qaabilsanaa arrimaha Somalia Nicholas Kay kaasi oo ahaa in Baarlamaanka cusub ay u badnaadan Xildhibaano dhalinyaro ah.
Jawaari waxa uu sheegay in Dowladu ay ku hami weyn tahay inay dhaqan galiso Baarlamaan ka duwan kuwa hadda shaqeeya, waxa uuna sidoo kale sheegay in hanaanka doorasho ee Somalia ay la kaashan doonaan khubaro heer caalami ah, kuwaasi oo cashiro ka bixin doona qaabka looga bad-baadi lahaa is dabamarin iyo musuq-maasuq lagu sameeyo codadka baxaya.
Odayaasha ayuu sheegay inay la imaan doonaan cida ay u arkaan in Beeshooda ay u matali karto, islamarkaana gudiga arrimahaasi u xilsaaran uu baaritaano ku sameyn doono in shaqsigaasi uu buuxiyay shuruudaha iyo in kale.
Mr Harriet Mathews ayaa dhankeeda ka sheegtay in Dowlada Somalia ay ka doonayaan inay la timaado qorsho u cuntamaaya Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.
Mr Harriet Mathews waxa ay digniin ka bixisay in Beesha Caalamka ay maqasho cabashooyin kasoo yeera Beelaha Soomaaliyeed, waxa ayna carabka ku dhufatay in calaamadahaasi oo idil ay muujinayaan kor u kaca Musuqa.
Docda kale, Gudoomiye Jawaari iyo Harriet Mathews ayaa isla meel-dhigay in waxbadan laga bedelo xaalada iminka ka taagan Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

