Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo ka hadlaayay shir ay wakiilada Beesha Caalamka la qaateen Maamulka Puntland kaasi oo ka dhacay magaalada Garoowe.
Kulanka maanta ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa dhanka beesha caalamka goobjoog uga ahaa ergayga Xohg-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan Danjire. Micheal Keating, Danjirayaasha IGAD, Talyaaniga, Midowga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka iyo Danjiraha Itoobiya.
Waxaa madasha uu ka qabsoomay shirka si wada jir ah looga jeediyay Khudbado diirada lagu saaraayay 4.5, waxa ayna dhanka Puntland Khudbooyinkooda ku muujiyeen diidmo.
Faroole ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa xiliga uu ahaa Madaxweynaha Puntland uusan nasiib u yeelan inuu ka qeybgalo kulamo ceynkaani ah waxa uuna cod dheer ku sheegay inuusan Puntland raali uga aheyn inay qaadato Nidaamka 4.5.
Shirka kadib mar uu Faroole magaalada Garoowe kula hadlaayay Saxaafada ayuu sheegay in wafdiga Beesha Caalamka ay u sheegeen in Puntland ay tahay Hooyada Federaalka sidaa aawgeedna aysan raali ka aheyn in lagu cadaadiyo wixii kasoo maaxa maskaxda Xassan Sheekh, bacdamaa sida uu sheegay Dowladda Dhexe looga fadhiyay inay ka gudubto nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.
C/raxmaan Faroole, ayaa hanaanka 4.5 ku tilmaamay mid ay la dhacsan tahay Beesha Caalamka, si markale ay tallada dalka ugu soo laabtaan kuwa hadda haya madaxtinimada.
Faroole waxa uu ku celcelshay in Beesha Caalamku ay dib ula noqoneyso Nidaamka 4.5, waxa uuna sheegay in shacabka reer Puntland ay hal aragti ka leeyihiin doorashada dalka ee sanadkan, islamarkaana aanay doonayn 4.5.
Sidoo kale, C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Beesha caalamku qudheeda ay dib isugu laabato kadibna ay la imaado go’aan ka duwan kan 4.5.
Dhanka kale, Faroole oo aad moodo Madaxweynaha Puntland ayaa isla madasha ka shaaciyay in dadka dhiman ay iyaguna sida uu uga hor imaaday 4.5 ay uga hor imaadan, isaga oo sheegay in ahmiyadu tahay inaan la meelmarin hadafka DFS.














