26.6 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Qaraxi Daalo oo saameeyey garoonka Hargeisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka duulista iyo hawada maamulka Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ”Caddaani”, ayaa goordhow amar kusoo rogay maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada Garoomada maamulka.

Caddaani, ayaa sheegay in Maamulka iyo Saraakiisha ciidamada Garoonka lagu amray feejignaan dhanka amaanka ah, waxa uuna maamulka ugu baaqay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa musaafuriinta.

Caddaani, waxa uu sidoo kale, sheegay in Saraakiisha la faraayo inay baaritaano adag ku sameeyan boorsooyinka ay wataan musaafuriinta, taasi oo loola gol leeyahac cabsi dhanka amaanka ah.

Wasiirka duulista iyo hawada maamulka Somaliland, ayaa sheegay in amaradan ay soo saareen ay ku soo beegmeen xilli xaalad qatar ah ay ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo diyaarada Daallo leysku dayay in la qarxiyo.

Wasiir Caddaani waxa uu sheegay in suuragal ay tahay mid kaasi lamid ah uu ka dhaco Garoonka magaalada Hargeysa waxa uuna taasi sabab uga dhigay adkeynta amaanka.

Dhanka kale, Caddaani waxa uu sheegay in maamulka Somaliland ay aad uga xuntahay dhibaatadii ku dhacday diyaarada Daallo Air lines.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News