26.8 C
Mogadishu
Friday, May 22, 2026

CC iyo Jawaari oo laalay go’aankii Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay haddal uu dhawaan sheegay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Jawaari waxa uu sheegay in marka hore uu aad uga xun yahay in shaki la galiyo jiritaanka iyo awooda Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, waxa uuna sheegay in qof waliba uu mas’uul ka saaran yahay inuu xaqiijiyo amaankiisa iyo kan dalka.
Jawaari ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad uga xanuunsaday hadalka kasoo yeeray Xassan Sheekh Maxamuud, balse arrintaasi ay kawada hadleen isaga iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Jawaari waxa uu sheegay in isaga iyo Ra’isul wasaaraha dalka ay isla garteen dhowrista Xasaanada Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia,isaga oo waxkama jiraan ka dhigay haddalka Xassan Sheekh bacdamaa uusan qabin Dastuurka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu sidoo kale, sheegay in kulanka ay wada qaaten isaga iyo Ra’isul wasaaraha dalka ay isla garteen in Sharmaarke uu dhammaan laamaha amaanka Garoonka Aadan Cadde lagu war galiyo in xaalada ay kusoo celiyaan sidii hore islamarkaana amarka Madaxweynaha dalka aan waxba laga soo qaadin si loo kala badbaadiyo labada dhinac.

Sidoo kale, Jawaari waxa uu sheegay in Saraakiisha iyo Ciidamada AMISOM ee Garoonka Aadan Cadde lagu war galiyay inaysan u gafin Xasaanada Xildhibaanada oo shaqadooda u gutaan sidii hore.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka oo loo kala qeybiyay Saraakiisha Ciidamada dharcadka Garoonka Aadan Cadde iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu mamnuucay in la baaro Xildhibaanada, inta ay Mas’uuliyiinta Hay’adaha amaanka wax ka waydiinayaan Baaritaanka.

Go’aanka lagu mamnuucay amarka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la baaro Xildhibaanada BFS, ayaa waxaa si wada jir ah u laalay Sharmaarke iyo Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News