Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uusan jirin wax heshiis oo ay la gaareen xubnaha beesha caalamka ee cadaadiska ku saarayay Puntland in ay ogolaato go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga hanaanka doorashooyinka 2016-ka.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo shirkiisa Jaraa’id sii watay ayaa sheegay in wafdiga oo uu hogaaminayay Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Somalia Mr. Micheal Keating in ay kulamo la yeeshaan madaxda Puntland, Siyaasiyiin hore iyo ururada bulshada rayidka kuwaasoo u gudbiyay Mowqifkooda ku aadan shirkii Madasha Wadatashiga ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Gaas waxa uu shaaciyay in borobagaando cad laga faafiyay, waxa uuna sheegay inuu cadeynaayo inuusan jirin heshiis gaar ah oo ay Puntland la gaartay Beesha Caalmak.
Madaxweyne C/wali Gaas wuxuu sheegay in uusan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray Beesha Caalamka iyo madaxda Puntland, waxa uuna taasi bedelkeeda sheegay inuu fashilmay shirka.
Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Somalia Keating ayaa isna sheegay in kulamadii uu la qaatay Maamulka Puntland in ay ahaayeen kuwo lahaa muhiimad gaar ah iyadoo ay kulamadaas ka qeyb galeen Safiirada dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden, Uganda, Ethiopia, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD.
Geesta kale, Mr. Michael Keating ayaa sheegay in uusan jirin wax heshiis ah oo la gaaray isagoo intaas raaciyay in waxyaabaha ay kala kulmeen madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada in ay kula laaban doonaan magaalada Muqdisho, waxa uuna Keating Cod dheer ku sheegay inuu Fashilmay shirka.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA










