25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xog: Beesha caalamka oo carreysan iyo Cabdi Weli Gaas oo jahwareer siyaasadeed galay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –War goordhow naga soo gaaray Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulkaasi C/wali Gaas uu durbadiiba galay xaalad jahwareer ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland ay si cad ula safteen Beesha Caalamka islamarkaana taageero u muujiyay DFS oo iyadu dhabarka ka riixeysa qorshaha lagu dhaqan galinaayo nidaamka 4.5.

Xildhibaanada taageeray nidaamkaasi iyo qorshaha Beesha Caalamka, ayaa waxa ay kor u dhaafayaan ilaa 26 Xildhibaan kuwaasi oo qaar kamid ah maalmo un ka hor magaalada Garoowe kula kulmay wafdigii uu hogaaminaayay wakiilka QM u qaabilsan Somalia Mr Michael Keating.

Beesha Caalamka oo ku jahwareersan Siyaasada C/wali Gaas, ayaa la sheegayaa inay ka danbeyso qorshaha lagu kala dhantaalay Baarlamaanka Puntland, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in ujeedka socdaalkooda uu ahaa mid qeyb ka ahaa kala jabinta si C/wali Gaas sandulo looga dhigo 4.5 bacdamaa uu ad adeeg muujiyay.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa lasoo warinayaa in iminka uu kusoo baraarugay hoos iska taabadka Beesha Caalamka iyo Xildhibaanada taageeray in la qaato 4.5.

Siyaasadaani cusub oo Beesha Caalamka ay lasoo baxday ayaa waxa uu dhabar jab xoogan ku noqonayaa Maamulka Puntland.

Geesta kale, wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Mr Michael Keating, ayaa horay u sheegay in nasiib darro ay ku noqoneyso Beesha Caalamka haddii ay awooda maamulada dalka ay ka sara mariyaan tan Dowlada Somalia

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News