Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in gudaha asbuucaani uu dalka Jarmalka ku galo qaliin looga sameyn doono madaxa.
Madaxweyne Xassan oo iminka ku hor maray ka qeybgalka Shirka 52-aad ee amniga oo ay ka qeybgalayaan madax ka kala socta Caalamka, ayaa inta uu shirkaasi socdo lagu dhex wadi doonaa qaliinkiisa kaasi oo u bilaaban doono jeedinta Khudbadiisa kadib.
Khudbada Xassan Sheekh kadib ayaa waxa uu gali doonaa qaliinka, waxa ayna mas’uuliyiinta la socta xaqiijiyeen in madaxa uu uga yaalo buro u baahan qaliin taasi oo ku heysa xanuun aad u xoogan.
Qaliinka uu gali doono Xassan Sheekh ayaa qaadan doono ilaa hal saac, waxa uuna qorshuhu yahay in Xassan lagu sameeyo baxnaano degdeg ah si uusan uga dib dhicin shaqooyinkiisa.
Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xassan ayaa waxaa isa soo taraayay xanuuno uu la kulmaayay kuwaasi oo inta badan aan wakhtigu u saamixin inuu iska daweeyo, balse iminka fursad u helay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

