Keating oo wada qorshe lagu raali galinayo P/L

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa lagu wadaa in kulan gaar ah uu la qaato wakiilada gaarka ah ee Dowladaha kale u fadhiya Somalia.

Keating, ayaa lagu wadaa in kulankiisa gaarka ah uu Wakiilada kala hadli doono, qorshaha xigi doona Fashilkii ay kala kulmeen maamulka Puntland iyo sida lagu heli lahaa qorsho ka duwan kan 4.5.

Keating ayaa inta uu ku howlanyahay kulankiisa Wakiilada Dowladaha kale u fadhiya Somalia soo bandhigi doono qorsho ah in dib loogu laabto go’aankii lagu gaaray qaadashada 4.5, islamarkaana laga doodo wadooyinka kale ee ku haboon in lagu qabto doorashada dalka.

Mr Keating ayaa qaba in khilaafyada ay hoosta ka ololineyso Puntland ay ula gol leedahay inay ku fashilisho qorshaha doorasho, sidaa aawgeedna ay mudan tahay in xili hore laga hortago.

Natiijada kasoo baxda kulanka Keating uu la qaadan doono wakiilada Beesha Caalamka ayaa la filayaa in si rasmi ah loo dhaqan galiyo, inkastoo ay Beesha Caalamku dooneyso in wareega soo socda ay raali galiso Puntland.

Lama Oga waxa uu noqon doono xalka lagu dhex dhexaadin doono Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland oo isku haya nidaamka 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com