Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la daala dhacaaya ballanqaad ay kala saxiixdeen Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud kaasi oo dhigaaya in Xassan Sheekh laga ilaaliyo Mooshin iyo wax waliba oo caqabad ku noqon kara musharaxnimadiisa.
Jawaari oo ka dhabeynaaya ballanqaadka uu Xassan u sameeyay ayaa iminka wado 2 qorsho oo midu yahay in la burburiyo Mooshinada kusoo wajahan Xassan iyo in Jawaari uu sii saadaaliyo qaabka ay ku imaan lahaayen Xildhibaanada cusub, waxaana Jawaari loo wakiishay in Xassan uu ka xigsado culeysyada kaga imaanaya dhanka Puntland iyo Jubbaland.
Qorshahaani ayaa waxaa Jawaari la wada Xubno ka tirsan Villa Somalia oo uu Xassan Sheekh u wakiishay dhameynta caqabadaha taagan waxa uuna Jawaari si xooli ah u wadaa kulamo uu la qaadanaayo Saaxiibada Somalia kuwaasi oo uu ka dhaadhicinaayo inaysan qaadan wax waliba oo ku xiran rabitaanka Puntland.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa isna Jawaari u ballanqaaday haddii howlaha socda lagu guuleysto uu isna mar kale kashaqeyn doono sida uu mar kale ku noqon lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub, waa haddii uu hirgalo damaca Xassan.
Xassan Sheekh iyo Jawaari ayaa iminka aad isaga dhaw madaxda kale ee dalka, waxaana arrintaasi u sabab ah in Jawaari uu yahay shaqsiga fashilinkara hamiga Xassan Sheekh misna najixinkara.
Dhanka kale, arrimahaasi oo idil ayaa lagu guuleysan karaa goortii Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu ka tanaasulo diidmada 4.5, inkastoo C/wali Gaas uu ku goodiyay inay ka go’i doonaan Somalia, waa haddii la hirgaliyo qaabka uu Xassan Sheekh kusoo laabankaro oo ah in Somalia laga qaato kusii shaqeynta 4.5.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

