Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia, ayaa waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay qaar kamid ah Wasiirada Ethiopia.
Wasiirada uu Gaas la kulmay ayaa waxaa kamid ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo kan arrimaha Dibadda oo ay kawada hadleen xaalada guud ee Somalia gaar ahaan tan Puntland, waxa ayna isla soo qaaden doorashooyinka la filaayo inay ka dhacaan Somalia.
C/wali Gaas iyo labada Wasiir ayaa waxa ay sidoo kale kawada hadleen ganacsiga labada dhan, waxaana lasoo warinayaa in Gaas uu maanta kulan kale la qaadan doono mas’uuliyiin uu kamid yahay Ra”isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.
Hailemariam oo u yeeray C/wali Gaas ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu kala hadli doono Khilaafka C/wali Gaas kala dhexeeya Dowlada Somalia, Beesha Caalamka iyo dacwad salka ku heysa in Gaas uu tashkiilinaayo misna qarka ka tuuraayo maamulada kale ee dalka isaga oo fiirsanaaya danihiisa gaarka ah.
Ujeedka ugu weyn ee socdaalka C/wali Gaas ayaa ah 3 qodob oo ay kamid yihiin in lagu qasbo inuu ka tanaasulo diidmada uu ka muujinaayo 4.5, In mudada lagu guda jiro u diyaar garowga Doorashada uusan ka hadal arrimaha caqabada ku noqonkara doorashada.
Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somalia, Michael Keating iyo Dowlada Somalia ayaa si wada jir ah Dowlada Ethiopia ugu gudbiyay dacwada C/wali Gaas oo ay ku eedeeyen in laqdabo uu ku hayo Geedi socodka Siyaasada Somalia bacdamaa uu dhanka Ethiopia Gaas u janjeero.
Lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulanka C/wali Gaas iyo Hailemariam oo barqada maanta ah ka dhici doona Madaxtooyada Ethiopia, waxa ayna warar hoose sheegayaan in qodobka ugu weyn ee loogu yeeray C/wali Gaas uu yahay tanaasul.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]