Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Ankara ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen ilaa 5ruux, halka Tobaneeyo kalane uu kasoo gaaray dhaacawyo kala duwan.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu dhacay qadar yar un kadib markii goobtaasi ay mareen kolonyo baabuur ah oo ay leeyihiin Ciidamada milatariga Dowlada Turkiga.
Qaraxa ayaa waxaa lala maaganaa Gaadiidka ay la socdeen Militeriga, waxaana la tilmaamayaa in Qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay qaar kamid ah gaadiidkaasi.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa ku tilmaamay qaraxan inuu ahaa fal argagixiso, waxaana uu tilmaamay in weerarkan aanay wax hadaf ah ka gaari doonin argagixisada.
Bekir Bozdag waxa uu sheegay in Ciidamada amaanka looga fadhiyo gacan kusoo dhigida shaqsiyaadkii fuliyay weerarka Qaraxyada loo adeegsaday.
Magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa waxa ay bilihii danbe ahaayen kuwo marti galinaayay weeraro qaabab kala duwan loo adeegsaday waxa ayna Dowladu ku hanjabtaa in mar waliba ay ka hortagi doonto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]