28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xog: Odowaa oo colaad ka dhex hurinaya beelo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa wali ku adkeysanaaya mowqifkoodii ahaa inaysan dib ugu laaban doonin shirka ka socda magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Sh/Dhexe.

Odayaasha Gobolka Hiiraan oo saacadihii ugu danbeeyay ku howlanaa kulamo kala duwan ayaa waxa ay mar kale qaadaceen codsigii Madaxweyne Xassan Sheekh ee ku aadanaa dib ugu laabashada shirka Jowhar.

Odayaashu waxa ay sheegen in sababta ugu weyn oo ay uga soo baxeen shirkaasi uu yahay Gudiga Wasaarada arrimaha gudaha ugu magacaaban hagaajinta madasha shirka, kuwaasi oo qaabab kala duwan usii kala fogeynaaya Ergada shirka.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali, , ayaa sheegay in Odayaashu ay wali diidan yihiin ku laabashada shirka, waxa uuna tilmaamay in shuruuda ugu weyn ay Odayaashu ka dhigeen in gudigaasi la bedelo.

Sheekh Xuseen waxa uu tilmaamay in xaqiiq ay tahay in madasha shirka Jowhar uusan aalin cadaaladii laga filaayay waxa uuna farta ku goday in Gudiga Wasaarada arrimaha gudaha u qaabilsan madasha ay sii kala fogeynayaan Ergada.

Isaga oo arrinkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Cadaalad darida waa tan Somalia burburisay hadana waxa ay taalla madasha Jowhar, waxaan u baahanahay in Wasiir Odawaa iyo Gudigiisa ay kala cadeeyan in ujeedkooda uu yahay inay isku diraan beelaha Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo inay ka shaqeynayaan wanaaga”

”Wasiirka waan u sheegayaa in Reer Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay u baahan yihiin in la qanciyo, waayo anagu uma bogin qaabka ay wasaaradu wax ku wado”

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Ergada Gobolka Hiiraan uga qeybgaleysay shirka Jowhar ay halkaasi soo faarujiyeen, islamarkaana shirka uu iminku yahay mid hakat ku jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News