Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi uu si xooli ah uga socdo kulamo u dhexeeya Isimada maamulka Puntland.
Kulamada oo dhowr waji ka kooban ayaa waxa uu ku qotomaa geedi socodka doorashada la filaayo in dhawaan ay ka qabsoomto Somalia iyo nidaamka 4.5 oo walaac gaar ah ku hayo dadka kasoo jeeda deegaanada maamulka.
Isimada ayaa la sheegayaa inay isla eegayaan halka uu ka taagan yahay dhibta Siyaasadeed iyo Khilaafka Puntland kala dhexeeya Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka.
Shirarka u dhexeeya isimada ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga soo saaro natiijooyin lagu qafiifinaayo muranka Dowlada iyo Puntland ka dhexeeya, waxaana lasoo warinayaa in qabsoomida kulamada socda uu kasoo fulay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, oo iminka canaan saa’id ah kala kulmay Dowlada Ethiopia.
Nabadoon Daahir Cumar oo kamid ah isimada uu kulanka u socdo ayaa sheegay in kulankooda uu ku qotomo 2 arrin oo kala ah:-
1-In xal KMG ah ay kala dhex dhigaan DF iyo Maamulka Puntland.
2-In dhaba wacan ay ku jiheeyaan Geedi socodka doorasho ee dhawaan la filaayo iyo in ra’yi uruurin ay wada sameeyaan isimada oo xal kale loo helo nidaamka 4.5 oo muranka iyo kala irdhowga dhaliyay.
Nabadoon Daahir Cumar waxa uu sheegay in kulamadii hore aysan isimadu fadhiisan balse iminka xal laga sugaayo.
Dhanka kale, kulamada sida xooliga ah uga socdo deegaanada Puntland ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu cadaadin xoogan kala kulmaayo Beesha Caalmaka iyo madaxda Dowlada Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

