Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaadanayaa Madaxda Dowladaasi.
Shariif Xassan oo kulamo hordhac ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn iyo Wasiirka arrimaha dibadda Tedros Adhanom, ayaa uga warbixiyay kalsoonida uu xiligaani ku qabo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Shariif Xassan waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somalia uu ku kalsoon yahay in qorshooyinka iminka socda uu u hirgalin doono sida loogu tallo galay, waxa uuna tilmaamay in maamulada kale ee ka didsan Siyaasada Dowlada ay qabaan walaac aan lala qabin.
Shariif waxa uu Haile Mariam Desalegn u xaqiijiyay in Xassan Sheekh uu iminka dhabo wacan ku hogaaminaayo geedi socodka doorashada, waxa uuna cadeeyay in Somalia aysan ka bixi karin nidaam aan aheyn kan 4.5 ah.
Erayada uu adeegsanaayay Shariif Xassan ayaa waxaa kamid ahaa ”Anigu ma qabo walaac ah in Xassan Sheekh uu ka weecan doono wadada uu iminka jideeyay, dabcan waa bani’aadam hayeeshee waxaa jira arrimo badan oo ku shaqeynta wadadaasi ku qasbaayo, kalsooni ayaan ku qabaa in Xassan uu geedi socodka doorashada hagaajin doono”
Shariif Xassan waxa uu carab dhabay in xiliga la joogo uu Xassan Sheekh xamili karin mucaarad waxa uuna farta ku goday in jihooyin badan uu culeys ka heysto islamarkaana ay mudan tahay in arrimahaasi looga danbeeyo Beesha Caalamka.
Geesta kale, Madaxweyne Shariif waxa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn iyo Wasiirka arrimaha dibadda Tedros Adhanom hor dhigay inaan la qaadan wararka kutur-ku-teynta ah ee laga soo gudbinaayo Dowlada Somalia, balse looga baahan yahay inay taageeran xaalada hadda taagan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

