Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxa uu warar dheeraad ah kasoo baxayaa Khilaafka cusub ee iminka u dhexeeya Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Wararku waxa ay hoosta ka xariiqayaan in Khilaafka uu sii xoogeystay kadib markii Madaxweyne Xassan uu liiska Safiirada la magacaabi lahaa ka reebay Safiiro uu horay ugu ballanqaaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Khilaafka Xassan iyo Sharmaarke ayaa yimid kadib markii Sharmaarke la duldhigay amar ah in shaqsiyaadka ay wateen C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe la bedelo islamarkaana magacyadooda lagu buuxiyo shaqsiyaad kale hayeeshee taasina uu Ra’isul wasaare Sharmaarke ka biyo diiday.
Xubnaha ay wateen Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas oo kamid ahaa Safiiro ka kooban ilaa 11 oo ku diyaarsanaa Liiska uu gacanta ku hayay Sharmaarke ayaa ku imaaday wada xaajood hoose oo uu Madaxweyne Xassan la galay Gaas iyo Madoobe, balse iminka u muuqda kuwo hawada laga saaray boosaskooduna lagu soo buuxinaayo kuwo kale.
Sababta ugu weyn ee Xassan Sheekh uu ugu baxay ballanka labadaasi Madaxweyne Goboleed ayaa ah inay caqabad ku noqdeen hanaanka Siyaasadeed ee Xassan Sheekh islamarkaana ay uga baxeen ballamihii ay wada dhigteen taasi oo sababtay in Xassan uu isna ka baxo ballantii aheyd in Safaarado muhiim ah uu siin doono Xubnaha ay labada Madaxweyne Goboleed wateen.
Docda kale, waxaa iminka lagu wadaa in Xassan Sheekh uu xubno cusub ku biiriyo liiska ay ku diyaarsan yihiin Safiirada, waxaana liiska dib looga saari doonaa kuwa ay wataan labada mas’uul.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

