28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

DF oo amaro culus kusoo rogtay shirkada Daalo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow laamaha amaanka DFS ayaa sheegaya in maamulka shirkada diyaaradaha Daallo Airline lagu amray in dib danbe aysan u isticmaali karin diyaaradaha aan wanaagsaneyn qalabkooda.

Warqoraal ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu wargaliyay maamulka Shirkada inay soo diiwaan galiyaan dhamaan dadkii la socday duulimaadyadii Shantii bil ee lasoo dhaafay, liiskaasi oo la sheegay in dib looga dhex baaraayo shaqsiyaadkii fuliyay weerarka Daallo in xili hore ay u isticmaalen duulimaadka shirkadaasi.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in maamulka shirkada la faray in ilaa iyo amar danbe aysan garoonka Diyaaradaha ka duuli karin Diyaarad ay leedahay shirkada ilaa laga soo gabagabeeyo kiiska baaritaanka ee iminka taagan.

Sidoo kale, amarka la duldhigay shirkada ayaa waxaa kamid ah in shirkada uusan ka howlgali karin shaqsi aan laga soo diiwaan galin Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia.

Dhanka kale, amaradaani ayaa u muuqanaaya mid ka danbeysay fashilka Dowlada Somalia ka heysta dhaqdhaqaaqa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxa ayna tani ka turjumeysaa in Hay’adaha amaanka madaxa ciida ka ceshanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News