28.4 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

5 qodob oo xaqiijinaya Hadliye iyo qaraxa Daalo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaanada ay sida wada jirka ah u wadaan Hay’adaha Sirdoonka Somalia, Britain, Mareykanka iyo AMISOM, ayaa waxa uu ifinayaa xogo la xiriira in mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia ay garab ku leeyihiin Qaraxii lala eegtay Diyaaradda Daallo.

Xogaha ay Hay’adahaasi Sirdoonka ah tiigsanayaan ayaa waxaa kamid ah kuwo laga helay dhageysiga Telefoonada xubno uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia C/salaan Hadley, waxaana la helay codad ay is weydaarsanayeen Hadliye iyo Borleh oo qaraabo ah.

Ka sokow abtinimada Hadleye ee Borleh waxaa jiray Codod muujinaaya sida Baasabooro, Fiisooyin, Lacago loo ballanqaaday Borleh, Dhaqaale loo dhiibi lahaa Borleh oo uu ujeedku ahaa in lagu shubo Akoon uu leeyahay Hadliye iyo arrimo kale oo aan lasoo bandhigin.

Sirdoonka iskaashigooda uu ka dhashay Qarxii Daallo ayaa waxyaabaha ay tiigsanayeen waxaa kamid ahaa warqado Qaraxa kadib laga helay goobtii uu fadhiyay Borleh kuwaasi oo ku saabsan Wasaarada arrimaha Dibadda Somalia iyo mid muujineysa in Wasiir Hadliye uu Borleh u magacaabay La-taliyaha Safiirka Somalia ee Turkiga.

Arrintanai ayaa waxaa sii ololisay 5 qodob oo muujineysa in Wasiir Hadliye uu waxbadan kala socday Falka dhacay waxaana kamid ah:-
1- Sababta imaanshiyaha Abdullahi Abdisalam Borleh ee magaalada Muqdisho oo uu lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia C/salaan Hadliye.

2- Ujeedkiisa oo ahaa in muddo Seddex maalin gudaheeda uu Wasiir Hadliye kula kulmo kagana dhameysto dantii uu kalahaa.
3-Imaanshiyaha Abdullahi Abdisalam Borleh kadib oo Xafiiska Hadliye laga soo saaray warqad Digreeto ah oo uu Borleh ugu magacaabay La-taliyaha Safiirka Somalia ee Turkiga.

4-Goobta uu diyaarada ka fadhiyay Borleh oo laga helay Warqado ay is weydaarsadeen Hadliye iyo Borleh.
5-Dhaqaalaha uu Borleh ku gaari lahaa dalka Turkiga oo uu bixiyay Wasiir Hadliye.

Dowlada Somalia, gaar ahaan Xafiisyada Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo kan Ra’isul wasaaraha dalka oo loo gudbiyay nuqulo kamid ah Tuhunka laga qabo Wasiir Hadliye ayaa lasoo warinayaa in wali aysan kasoo jawaab bixin, balse xogahaasi ay amakak ku noqotay labada Mas’uul.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu baaritaanka iminka lugaha la galay shaqsiyaad kale oo lagu ogaaday dhageysiga Teleefoonadooda kuwaasi oo ka tirsan Xafiisyada ugu sareeya dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News