Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay qiray in gobolka Banaadir uu ka dad badan yahay maamul goboleedyo badan oo ka dhisan dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maqaamka uu yeelanayo gobolka Banaadir uu ku qoran yahay dastuurka dalka Soomaaliya, balse ay dhici karto in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in gobolka Banaadir loo qorsheeyay inuu yeesho maqaam gaar ah, maadaama dowlada Soomaaliya nidaamka federaalka ka hergelisay inta badan gobolada dalka Soomaaliya, wallow wali culees uu ka jiro maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.
Dhinaca madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si adag kaga hadlay dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ay kala kulmaan ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo badankood aan cadaalada la marsiin.
Madaxweynaha ayaa sheegay iney maxkamad la aadayaan askarta AMISOM haddii ay xad gudub ku sameeyaan shacabka Soomaaliyeed.
“AMISOM iyo dhibaatada ay ka geysato dalka ee shacabka loo geysanayo waa in si toos ah maxkamadaha loo geeyaa, haddii ay jirto in qofka aan xuquuqdiisa loo helin waa cadaalad daro ay sameynayaan hayadaheena cadaalada”ayuu yiri madaxweynaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

