Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo xad gudubka loo geystay maqaamka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Kumanaan dadweyne ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhigay banaanbaxyo u muuqday in abaabulkooda muddo laga shaqeynayay, waxayna ku dalbanayeen in la cadeeyo maqaamka gobolka Banaadir.
Dadka banaanbaxa dhigayay oo watay boorar ku qoran yihiin ahmiyada caasimada Muqdisho leedahay ayaa maanta muddo daqiiqado ah jaray waddada hormarta madaxtooyada Soomaaliya, waxayna markii dambe ku kulmeen Barxada sayidka.
Dadweyne badan ayaa sidoo kale banaanbax ka sameeyay isgoyska KM4, Zoobe, Daljirka Dahsoon iyo agagaarka isgoyska Afarta Darjiin ee magaalada Muqdisho.
Xubno maamulka gobolka Banaadir ka tirsan ayaa qeyb ka ahaa dadka banaanbaxa soo abaabulay wallow aysan ka qeyb galin banaanbaxa dadweynaha ay dhigayeen.
Hishiiskii laga gaaray doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkaan ayaanan lagu sheegin tirada xildhibaanada iyo xuquuqda gobolka Banaadir ku leeyahay doorashada, maadaama la cadeeyay maamul goboleedyada kale tirada xildhibaanada ay helayaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay sheegay in gobolka Banaadir maqaamka uu qaadanayo lagu xusay dastuurka dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

