Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali si habsami leh magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga uga socdo shirka Cahdiga cusub ee looga hadlaayo aayaha Soomaaliya (New Deal) kaasi oo ay ka qeybgaleyso madax kala duwan.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa aayaha Somalia, waxaana wali socda Khudbadaha madaxda Soomaalida iyo kuwa ka socta Caalamka.
Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga Lütfi Elvan oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta shirka ka jeedisay Khudbadaha ayaa soo bandhigay xadiga uu la egyahay dhaqaalaha ay Dowlada Turkiga ku maalgalisay Somalia.
Lütfi Elvan ayaa sheegay in xadiga maalgashigooda Somalia uu la egyahay 100 Million oo dollar tan iyo sanadkii la soo dhaafay.
Lütfi Elvan waxa uu sheegay in Dowlada Turkiga ay aad uga murugsan tahay xaalada amni darro ee Somalia, ka taagan waxa uuna carabaabay in mar waliba ay DFS garab ku siinayaan xalinta Khilaafaadkooda iyo waliba arrimaha amaanka khuseeya.
Mr Lütfi Elvan waxaa kale oo uu sheegay in maalgashigooda uu xooga saari doono , Kaluumeysiga, Beeraha iyo Dukaameysiga intaba.
Waxa uu tilmaamay in is-dhaafsiga Ganacsi ee dhexmaray Dowladaha Somalia iyo Turkey sanadkii hore uu ku kacay 72 Million oo dollar, waxa uuna intaa ku daray in ay u kordhinayaan 80 Million oo dollar halka sanadka soo socdana ay u kordhin doonaan 100 million dollar sida uu tilmaamay.
Geesta kale, Khudbada Lütfi Elvan oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa waxaa barbar socday ballanqaadyo hor leh oo Dowlada Turkiga ay u sameysay Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

