25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Waxaa is-casilay taliyaha Nabadsugida ee…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Hobyo ee maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in Taliyaha Nabadsugida Hobyo Cabdullaahi Cilmi Cawaale uu iska casilay xilka uu u hayay maamulka Degmadaasi.

Cabdullaahi Cilmi Cawaale, ayaa waxaa dhawaan xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xusein Guulleed waxa uuna is casilaadiisa u sababeeyay inaan lagala tashan islamarkaana uusan raadsan xilkaasi.

Cabdullaahi Cilmi Cawaale waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisan uusan raali ka aheyn in xiligaani uu faraha la galo Siyaasada ka taagan Somalia, sidaa darteedna uu xilkaasi isaga casilay.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxa uu ahaa “ Waan ku war geliyay maamulka Galmudug , anigu waxaan ahaa shaqsi caadi ah inaan diyaar u aheyn xilkaasi waan u cadeeyay xili hore”

Maamulka Galmudug ayaa ku fashilmay Is casilaada Cabdullaahi Cilmi Cawaale oo sheegay inaan lagala tashan islamarkaana uusan xilkaasi diyaar u aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News