Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka KMG Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in qadar yar un ka hor uu 2 weerar ka dhacay magaaladaasi.
Weerarka koowaad oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, ayaa waxa uu ka dhacay Meel ku dhow Hoteel Baydhaba, halka Weerarka labaad oo ahaa mid uu fuliyay naftii halige uu ka dhacay meel ku dhow goobta uu Qaraxa ka dhacay oo lagu magacaabo Afar Irdoodka.
Labada weerar ayaa waxaa lala eegtay laba goob oo xiliyada galbihii ay ku caweeyan dadka waxgalka u ah Koonfur Galbeed.
Weerarka Ismiidaaminta ayaa la soo warinayaa inuu geystay Khasaaraha ugu badan, halka kan loo adeegsaday Gaarigana uu dhulka dhigay Daaro ganacsi iyo goobo kale.
Si dhab ah looma oga Khasaaraha ka dhashay weerarada is xigay, waxaana hada go’an gabi ahaan wadooyinka goobahaasi gala.
La soco wixii faahfaahin ah wararkeena danbe
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]