Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal dardaaran ah oo uu qoray Usaama Bin Laden ka hor intii aan la dilin oo Mareykanku shaaciyay ayuu ku dardaarmay in inta badan dhaxalka hantiyadeed ee uu ka tagay lagu bixiyo hawlgalada Alqaacida ay kawadaan Caalamka.
Qoraalka waxaa ku xusan in Usaama Bin Laden dhaxal ahaan uhelay 29 milyan oo dollar hantidaas badankeedna lagu bixiyo Jihaadka ay wado kooxda Alqaacida.
Qoraaladan oo qeyb kamid ah Jariirada Washington Post kusoo qaadatay warbixin ay ka diyaarisay ayaa waxaa kamid ah Waraaqo uu Osama Bin Ladin u qoray qaar kamid ah hogaamiyayaasha kooxaha Al Qacida oo uga digayey inay ku dhaqaaqaan tilaabooyin burbur ku keeni karay shabakada Al Qacida.
Mid kamid ah qoraaladiisa ayuu Osama uga digay in ay kooxaha kamid ah Al Qacida inay ku dhawaaqaan Khilaafo isla markaana qabsadaan dhul balaaran isagoo tilaabadaasi ku tilmaamay mid ugu danbeyn guuldaro ku keenaysa awooda kooxdaasi.
Wuxuu sidoo kale ka digay in la baahiyo sawirada foosha xun ee dadka la bireenayo iyo wixii lamid ah, dhamaan qoraaladan ayaa u muuqday kuwo uu horey uga sii digayey asaasaaska kooxda Daacish oo iyadu ka bilaabatay faracii Al Qacida ee Ciraaq ee ka goostay shabakadaasi.
Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa ku xusan dad kale oo uu dhaqaale udardaarmay.
Qoraalkan ayaa wuxuu qayb kayahay 113 dukumiinti oo Ciidamada Mareykanku kasoo saareen gurigii usaama Bin Laden lagu dilay.
ISHA washingtonpost


