Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ayaa Deegaanada Jubbaland ka bilaabay kasbashada shacabka ku hoosnool deegaanadaasi, iyaga oo ku dhiiraday inay u sameeyaan dabiib.
Ciidamada ayaa gudaha ku dhexwareega gaadiid ambalaas ah, waxa ayna deegaanadaasi ka furteen goobo ay ku dabiibaan shacabka, balse waxa ay su’aashu tahay farqiga u dhexeeya kuwa ay duqeynta ku leynayaan iyo kuwa ay daawada uga dhigayaan kaabsoolka.
Daawooyinka ay dadka u qorayaan ayaan laheyn tayo badan, balse waxa uu ujeedku yahay inay kasbadaan shacabka, si aysan ula kulmin mucaarad.








