Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan dalka koofur Africa wuxuu niyad jab ku riday ururka midowga Africa.
Xildhibaanka oo lagu magacaabo C/caziiz Cabdulaahi Maxamed ayaa dowlada u matalayay shirka amaanka Soomaaliya looga hadlayay oo ka dhacay dalka Koofur Africa.
Wuxuu dadkii ka qeyb galay shirkaasi hortooda ka sheegay in xiligan aysan haboobeyn in ciidamo cusub loosoo diro dalka Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah u diiday ciidamo Ethiopian iyo Kenyan ah.
Xildhibaanka ayaa ka warhelay qorshe la doonayo in lagu kordhiyo ciidamada AMISOM oo gaaraya 22 kun oo askari kuwaasi oo Soomaaliya jooga tan iyo sanadkii 2007.
Wuxuu soo jeediyay in la tayeeyo hanaanka ay ku shaqeeyaan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya, si ay u hantaan guud ahaan amaanka dalka Soomaaliya.
Kulanka looga hadlayay arimaha amaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gudiga amniga iyo xasiloonida ee ururka midowga Africa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

