31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sheekh Xasan al-Turabi oo maanta geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan ku geeriyooday Wadaadkii sida ba’an kaga soo horjeeday Dowlada Madaxweyne Omar Al-bashiir.

Wadaadka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheikh Hassan Abd Allah al-Turabi, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu waawayn ee dalka Suudaan ee sida wayna looga garanaayo daafaha caalamka.

Al-turaabi ayaa si dhab ah kaga soo horjeeday Dowlada Omar Al-bashiir, waxa uuna inta badan saaxiib u ahaa Xabsi, waxaana xusid mudan inuu ahaa shaqsiga ugu shacbiyada badan dalka Sudan marka loo eego dhanka Xisbiyada Mucaaradka.

Al-turaabi ayaa ahaa 84 jir, waxa uuna kasoo jeeday Deegaanka Kasala oo dhaca xadka kala qeybsha Dowlada Sudan iyo Erereria.

Geerida Al-turaabi ayaa nabar ku noqotay Shacabka dalka Sudan, waxa uuna ahaa nin aqoon fog leh, marka loo eego dhanka cilmiga.

Turaabi ayaa waxaa sidoo kale, lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsiga lahaa dajinta Siyaasadda Islaamka ee Suudaan, waxaana loo arki jiray maskaxda ka dambeysa in xukunka dalkaasi uu qabsado Madaxweyne Omar Hassan al-Bashir.

Dhanka kale, Marxuumka ayaa ka dhisnaa dhanka luqadaha waxa uuna ku hadli jiray luqadaha kala ah Carabiga, Ingiriisiga, Faransiiska iyo Jarmalka iyo Luqado kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News