26.8 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Ethiopia, Kenya & Jabuuti yaa ah cadowga 1-aad ee Somalia? (Waxaa shaaciyey Faarax Macalin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Faarax Macalin oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Kenya si adagna kaga hadlay siyaasada Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka cabsanayaan dalalka deriska la ah dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hogaanka Soomaalida aysan laheyn awood ay si dhab ah kaga hadlaan xaalada dalka Soomaaliya islamarkaana aysan qaadan karin go’aan dhisaya dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la badalo hogaanka ciidamada dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo uu sheegay ineysan daacad ka aheyn howlgalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Sababtoo ah buu yiri Faarax Macalin waxay ka baqayaan dalalka deriska la ah dalka Soomaaliya haba ugu badnaadeene Ethiopia iyo Kenya.

“dalka Soomaaliya wuxuusan ka hagaageyn dalalka deriska, haba ugu darnaadeenee Kenya iyo Ethiopia, madaxda Soomaalidana go’aan ma qaadan karaan oo waxay ka cabsanayaan madaxda dalalkaasi”.

“Jabuuti deris ayay la tahay Soomaaliya, laakiin go’aan ma qaadan karto sababtoo ah waa wadan yar oo awood badan aan laheyn”ayuu yiri Faarax Macalin.

Faarax Macalin ayaa horey u sheegay in madaxda Soomaalida ay ka baqayaan Generaal Gabra oo ah sarkaal Ethiopian ah, waxaana dad badan ay aaminsan yihiin in dalka Soomaaliya ka hagaageyn dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News