Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxii ka dhacay xarunta gaadiidka ciidamada booliska Soomaaliya, kaasi oo sababay in saraakiil boolis ah ku dhintaan.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari Surf ah, waxaana la sheegay in lala eegtay goob maqaayad ah oo ay ku qaxweynayeen saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Gaariga ayaa la sheegay inuu diiday inuu joogsado goob ciidamada baaritaan ay ka wadeen, waxaana uu sababay dhimashada seddex sarkaal oo kamid ah ciidamada booliska.
Cali Gaab, taliha booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney qabteen ruuxii gaariga waday oo dhaawac ah, kaasi oo ciidamada hadda gacanta ugu jiro.
Taliyihii booliska suuqa Bakaaraha, taliyihii booliska Howlwadaag iyo ku xigeenka booliska heliwaa ayaa la sheegayaa in qaraxa ay ku dhinteen.
Hoos ka daawo sawirada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

