Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegaya in Maamulka Ahlusuna ay dhaawaca Liibaan Madaxweyne u gudbisay Magaalada Gaalkacyo, si halkaasi loogu dabiibo dhaawaca.
Maamulka Ahlusuna oo dhaawaca Liibaan Madaxweyne ku wareejiyay Odayaal ay isku heebyihiin, ayaa waxaa hada lasoo sheegayaa in dhaawaca Liibaan la dhigay Isbitaalka Carafaad oo ku yaalla Koofurta Magaalada Gaalkacyo, halkaa oo lagula sameynaayo qaliin.
Odayaasha la wareegay dhaawaca Liibaan ayaa waxaa la socda Saraakiil ka tirsan Ahlusuna, kuwaasi oo ilaalinaaya dhaawaca si aan loola baxsan.
Ahlusuna ayaa cadeysay in bogsashada Liibaan Madaxweyne kadib ay dib ula soo wareegi doonaan Liibaan si ay u maxkamadeeyan, sida ay hadalka u dhigeen.
Geesta kale, Isbitaalka la geeyay Liibaan Madaxweyne ee ku yaalla Koofurta Gaalkacyo ayaa waxaa xalay la geeyay Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug oo Ilaalo ka haya sargaalkaan Dhaawaciisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

