30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Cabdi Waal oo sheegay arrin ka yaabisay DFS.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad oo maalin un ka hor loosoo gacan galshay DFS.

Wararku waxa ay sheegayaan in Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi-waal) lagu wareejiyay Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia oo su’aalo ka weydiineysa danbiyada Cabdi-waal loo heysto.

Cabdi-waal, ayaa la tilmaamayaa in si ganbasho la’aan ah uu u sheegay inay sharaf u tahay inuu dilo cid waliba oo usoo bareerta naftiisa, waxa uuna cadeeyay in weerarkii xili hore lagu soo qaaday Hooygiisa uu ahaa mid isku day dil ahaa, sidaana uu uga hortagay.

Cabdi-waal, ayaa sidoo kale, sheegay in ujeedka loo weeraray uu ahaa in la dilo, balse uu taasi ka hor istaagay Ciidamada NISA, isaga oo iska difaacay islamarkaana diiday inuu gacanta u galo Dowlada.

Waxa uu farta ku goday inuusan garankarin sababta ay Dowlada Somalia sanka ula raaceyso, bacdamaa uu yiri ay jiraan mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Dowlada dilal qarsoon iyo kuwa muuqdaba horay u geystay.

Mar wax laga weydiiyay Hubka u keydsan ayaa waxa uu sheegay in Hubkaasi aysan laheyn Dowlada Somalia, islamarkaana uu dhiibi doono kaliya goorta ay Somalia ka dhalato Dowlad caadil ah.

Waxa uu ku dooday in marka hore Hub ka dhigis lagu sameeyo shaqsiyaadka ka ganacsada Hubka ee ka tirsan Dowlada.

Dhanka kale, Cabdi-waal ayaa iska diiday inuu qiro in Dowlada Somalia uu ka laayay Ciidamo badan iyo inuu ka ganacsado Hubka sharci darada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News