28.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Qorshihii Cabdi Weli Sheekh oo fashil ku dhow!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/wali Sheekh Axmed uu xiligaani raja beel ka muujinaayo kalsoonidii uu ka qabay kamid ahaanshiyaha Musharaxiinta u taagan xilka madaxweyninimo ee Somalia.

C/wali Sheekh Axmed oo xil ka qaadistiisii kadib bilaabay ololo ku aadan sida uu uga midnoqon lahaa Musharaxiinta, ayaa waxaa iminka la sheegayaa inuu lasoo darisay niyad jab kadib markii uu garab ka waayay ilaa Seddex Dowladood oo uu ku tashanaayay.

Dowladaha uu C/wali Sheekh Axmed deyrada kala kulmay ayaa waxaa kamid ah Britain iyo Kuwait, kuwaasi oo laga warhelay inay garab taagan yihiin Musharaxiin kale oo ka tirsan kuwa iminka doonaaya inay laalaan misna meesha ka saaran Dowlada Xassan Sheekh.

C/wali Sheekh Axmed, ayaan saaxiibo badan kasban mudada uu Xilka Ra’isul wasaarenimo hayay, waxaana aad u koobnaa wadamada uu booqan jiray xiligaasi kadib markii Xassan Sheekh uu isugu badnaan jiray Safarada.

C/wali Sheekh Axmed oo dhawaantaani booqasho ku tagay magaalada Garoowe si C/wali Gaas uu uga helo lacago deen ah, ayaa waxaa lasoo sheegayaa in dhankaasina uu kala kulmay fashil, kadib markii loo deyriyay.

Arrintaasi oo idil ayaa muujineysa in C/wali Sheekh Axmed ay u badan tahay inuu ka haro qorshihii ahaa inuu kamid noqdo musharaxiinta.

- Advertisement -

Read more

Local News