30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Keating oo weerar ku qaaday R/W CC: Waa nin…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa shaki galiyay in Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid uu yahay nin dhex dhexaad ka ah Siyaasada Somalia.

Mr Michael Keating, waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay in Ra’isul wasaaraha Somalia ay Siyaasadiisa dhanka maamulada u janjeerto, waxa uuna tilmaamay in Jubbaland iyo Puntland ay garab ka heystaan Sharmaarke.

Michael Keating, waxa uu sheegay in marnaba aysan suuroobeynin in mas’uul xil sidaa u weyn ka haya Dowlada uu hadana garab u noqdo shaqsiyaad carqalad ku ah hanaanka Siyaasadeed ee Somalia.

Michael Keating, ayaa hadalkaani sheegay mar ay wada kulmeen Madxaweyne Xassan Sheekh oo ay xurguf kala dhexeyso Sharmaarke.

Mr Michael Keating, Xassan Sheekh iyo Sharmaarke ayaa lagu wadaa in si siman ay uga wada hadlaan arrintaani lagu eedeynaayo Sharmaarke.

Caalamka ayaa la yaaban qaabka ay u dhaqmaan madaxda Soomaalida oo iyagu dhinacyo badan la kala safta.

- Advertisement -

Read more

Local News