27.6 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Daawo Video: Muqdisho iyo marfashyada qaadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online0 – Magaalada Muqdisho oo qaadka ugu badan laga soo dejiyo garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, ayaa marka la gaaro 11 barqanimo garoonku uu noqonayaa mashquul.

Afar diyaaradood ilaa shan ayaa maalin walba kasoo dega garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo qaadka dhan 20 tan ka keena magaalada Nairobi, waxaana loo kala gudbiyaa gobolada dalka, inkastoo ay jiraan magaalooyinka waaweyn sida Kismaayo iyo Gaalkacyo ay ka degaan labo ilaa hal diyaarad oo qaad ku raran.

Dhaqaalaha Kenya maalin walba ay cash ahaan ugu hesho qaadka Soomaaliya yimaada ayaa lagu qiyaasaa ilaa nus milyan dollar.

Ganacsato u badan haween ayaa nolosha qoysaskooda ku tiirsan tahay daroogada qaadka, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin fara badan oo qaadka ku haayo bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News