Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha taliyaha guud ee AMISOM Gen. Mohamedesha Zeyinu ayaa booqasho kutagay saldhiga AMISOM ee Leego oo ah halkii lagu laayey 50 kamid ahaa ciidanka Uganda.
Zeyinu oo ay wehlinayaan Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika, ayaa kusoo wareegay guud ahaan Saldhiga, waxa uuna sheegay in weerarkii lagu laayay Ciidamada uu yahay mid aan wali ka meyrmin quluubta Saraakiisha AMISOM.
Zeyinu waxa uu sheegay in xusuus gaar ah ay AMISOM u yeelan doonto Saldhigyadaani, waxa uuna farta ku goday in booqashooyin gaar ah ay Saldhigyadaani kusoo gaari doonaan.
Zeyinu ayaa si gaar ah usoo kormeeray fariisimaha ay goobahaasi ka sameysteen Ciidamada AMISOM, isagoona isha soo mariyay qaabka ay ammaanka u suggaan.


















