Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka xigta sii kordhaaya Fashilka uu la kulmaayo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa oo aan miisaan muuqda ku dhex laheyn DF.
Wasiir Odawaa ayaan iminka laga aqoonsaneyn Gobolada dalka, waxa ayna awoodiisa noqotay kaliya mid ku kooban Xafiiskiisa, kadib markii Madaxweynayaasha Gobolada iyo Beelaha ku hoosnool ay u aqoonsadeen inuu yahay shaqsi aad u yar islamarkaana aan go’aan qaadan karin.
Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaan arrimahooda kala hadal Wasiir Odawaa, waxa ayna kalsooni ku qabaan kaliya Xassan Sheekh iyo Sharmaarke, halka Odawaa uu shirarkooda ka noqdo xubin aan latashi ku dhex laheyn kulamada u dhexeeya Dowlada iyo Maamulada dalka.
Axmed Madoobe, C/wali Gaas iyo Shariif Xassan ayaa aaminsan in Wasiir Odawaa uu yahay shaqsi ku dhex lunsan Siyaasada Somalia, islamarkaana uu adeegsado Madaxweyne Xassan Sheekh, waxa ayna arrimaha maamuladooda si toos ah ugala hadlaan Xassan Sheekh oo kaliya.
Madaxweyne Xassan qudhiisa ayaa dareensan in Odawaa uusan u cuntameynin Maamulada dalka, balse waxa uu u adeegsadaa arrimaha caqabada ku ah, waxaana xusid mudan in xiliyada qaar Xilalka Wasaarada iyo kuwa khuseeya Gobolka Banaadir uu maamusho Xassan Sheekh Odawaana lagu markhaati furo magacaabidaasi.
Madaxweyne Xassan ayaa aaminsan inuusan Beesha Habar-Gidir ka dhex heli doonin shaqsi u dhigma Wasiir Odawaa, isaga oo cabsi ka qaba in shaqsiga kale uu ku madax adeegi doono Xilkiisa, taasina ay caqabad ku noqoneyso Odawaa.
Si kastaba ha ahaatee, Xassan Sheekh ayaa dhowr jeer isku dayay inuu xilka ka qaado C/raxmaan Odawaa, hayeeshee waxaa baqdin ka heysataa sida uu noqonkaro shaqsiga lagu bedeli lahaa Odawaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]