Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolada Hiiraan iyo labo Shabeele ayaa waxaa ka taagan biyo la’aan middii ugu darneyd oo soo wajahda qaar kamid ah shacabka ku dhaqan hareeraha wabiga Shabeele ee mara seddexdaasi gobol.
Biyo la’aantaas ayaa sababtay in wabiga uu guro islamarkaana dadkii ku tiirsanaa hareeraha wabiga Shabeele ay biyo la’aan dareemaan.
Biyo la’aanta ayaa waxaa deegaanada ay saameeyeen ugu sii daran labada Shabeele, waxaana ay sababeen in dad badan biyo la’aanta ay qeylo dhaan ka muujiyaan.
Dad badan oo degen tuulooyinka wabiga ayaa waxay sheegeen in caruurtooda ay habeen biyaha haraadiga ahaa oo wasaqeysan waxaana ay sababeen in ku dhawaad 30 caruur ah u geeriyoodaan shuban biyoodka.
Maamulka isbitaalka magaalada Jowhar ayaa xaqiijiyay in caruur badan oo qaban shuban biyood la dhigay isbitaalka magaalada, kuwaasi oo laga keenay tuulooyin badan oo ku yaala hareeraha wabiga Shabeele.
Sidoo kale isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa la dhigay ku dhawaad 500 oo caruur ah oo ku xanuunsaday biyaha wasaqeysan iyaga oo qaaday cuduro shubanka uu kamid yahay sida saraakiisha caafimaadka ay xaqiijiyeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

