Baladweyne (Caasimada Online)-Waxaa fashil kusoo idlaaday Kulan aan caadi aheyn oo u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid, Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa iyo Odayaasha kasoo jeeda Beesha Xawaadle kadib markii Sharmaarke uu si cad u diiday ajandooyin ay wateen Odayaasha Xawaadle kaasi oo ku aadan arrimaha shirka Jowhar.
Odayaasha dhaqanka Beesha Xawaadle oo horay u qaadacay qorshooyinka Xukuumada ee ku aadan shirka Jowhar ayaa mar kale Wafdiga Sharmaarke u sheegay in dib ugu laabashada shirka ay ku xiran tahay in marka hore la hirgaliyo rabitaankooda.
Odayaasha oo aan ku qancin soo jeedinta Xukuumadda, ayaa waxay taasi bedelkeeda ay miiska la yimaadeen in gogosha loo soo wareejiyo Magaalada Baledweyne, halkaana ay isugu wada yimaadaan dhammaan beelaha degga labada gobol, taasi oo ku adkaatay Sharmaarke iyo wafdigiisa.
Odayaasha Xawaadle oo garab ka helaaya Odayaal kasoo jeeda Beesha Gaal-jecel, ayaa fashilka shirka kadib Sharmaarke iyo Wasiiradiisa ka dalbaday in la siiyo waqti ay ku qabsadaan shir dib u heshiisiineed oo beelaha reer Hiiraan loogu qabto Baledweyne, taasi oo aan u cuntamin Xukuumada kadib markii loo arkay mid wakhti dhumis ah.
Odayaasha ayaa sidoo kale, Sharmaarke iyo Xubnihiisa u cadeeyay in Xukuumada Somalia, ay ilowday in Gobolka Hiiraan uu yahay midka keliya aan laba gobol loo qaybin, islamarkaana uu ka mid ahaa sideedii ee Jamhuuriyaddii Somalia ku curatay, sidaasi daraadeedna loo kala qaado laba gobol, inkastoo aanay Odayaashu qodobkaasi si wayn diiradda u saarin.
Sharmaarke ayaa sheegay inuusan awood u laheyn in madasha uu ku gaaro go’aan aan lala qabin, waxa uuna dhankiisa Beesha Xawaadle ka dalbaday in wakhti gaaban lasiiyo si aragtidooda uu ula laabto islamarkaana kala tashto madaxda kale ee dalka.
Fashilka shirka kadib ayaa waxaa madasha ka hadlay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo shaaciyay in shirka uu kusoo dhamaaday Fashil islamarkaana ay Xukuumadu dib ula laaban doonto go’aankeeda.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA








