30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Midowga Europe oo iska fogeeyay dukumiintiyo sir xasaasi ah oo Soomaaliya ah laga helay (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan warbaahinta maxaliga iyo kuwa caalamka ay soo bandhigeen Dukumiintiyo iyo qoraal muujinaaya in diblumaasiyiinta Midowga Europe ka jooga Somalia ay mamnuuceen in Muwaadin Soomaaliyeed uu ka howlgalo xaruntooda cusub ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Michele Cervone d’Urso oo ah Safiirka Midowga Europe ee Somalia.

Michele Cervone d’Urso, ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan ogeyn halka Midowga Europe, ay ku mamnuucday in muwaadin Soomali ah uu ka howlgalo xarunta cusub EU ee laga hirgaliyay agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Safiir Michele Cervone d’Urso, waxa uu sheegay in Muwaadiniinta Soomaalida ay xaq u leeyihiin inay ka howlgalaan Xaruntooda ku taalla magaalada Muqdisho, balse waxa uu sheegay inuusan garankarin ujeedka laga leeyahay faafinta dacaayadaha, waxa uuna tilmaamay in Kooxaha Dukumiintiga muranka dhaliyay faafiyay ay si gaar ah u ugaarsan doonaan.

Michele oo wareysi gaar ah siinaayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in Midowga Europe, aysan marnaba ku fakirin in Muwaadiniinta u dhashay dalka ay markaasi martida u yihiin ay ka mamnuucaan inay ka shaqeeyan xaruntooda, waxa uuna arrin khatar ah ku sheegay Dukumiintiyadii lagu faafiyay warbaahinta ee lasoo dhigay barta YouTube-ka.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in Safaarad waliba oo caalamka ku taalla ay leedahay Bartokool u gaar ah, kaasi oo lagu ilaalinaayo sharciga shaqo, waxa uuna tilmaamay in cid waliba ay xaruntooda soo booqankarto waa haddii ay ilaalineyso Bartokoolkaasi.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in Midowga Europe ay wada shaqeyn dhowr ah horay ula soo sameysay Madax kala duwan oo ay ugu horeeyaan Hogaamiye-kooxeedyaddii dalka ka arimin jiray iyo Maxkamadihii Islaamka, islamarkaana ay dadka Soomaalida ka shaqeyn jireen Xafiisyadda EU-da ee Somalia, taasina ay muujineyso inaysan jirin cid gaar ah oo laga xigsankaro xarumahooda.

Haddalka Mr Michele Cervone d’Urso ayaa imaanaya xili Dukumiintiyadaasi la faafiyay lagu qeexay in Muwaadin kasoo jeeda dalka Somalia uusan ka howlgali doonin Xarunta cusub EU-da ee laga hirgaliyay agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News