30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: Sirta socdaalka CCC uu ku joogo Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha xukuumadda soomaliya Cumar C/rashiiid Cali ayaa shalay galab gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, isagoo socdaal maalmo ah ku joogi doona halkaasi.

Madaxwaynaha Puntland C/weli Gaas iyo ku xigeenkisa ayaa kusoo dhoweeyay garoonka Garowe wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Socdaalka Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuu la xiriiro arrimaha doorashada Somaaliya ee 2016 iyo sidii xal loogu heli lahaa diidmada Puntland.

Wafdiga wasiirka koowaad ee dalka ayaa loo gudbiyay aqalka madaxtooyada halkaaso lagu wado in saxaafada ay kula hadlaan saacadaha soo socda.

Puntland ayaa diidmada ay ku keliyowday ayaa laga cabsi qabaa inuu keeno waqti kordhin loo sameeyo dowladda Soomaaliya oo xiligii jiritaankeeda ka dhamaanayo.

 

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News