Garowe (Caasimada Online)-C/raxmaan Maxamed Faroole madaxweynihii Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garowe loogana hadlayay siyaasada Soomaaliya iyo arimaha .
C/raxmaan Faroole, sheegay in kulamada ay ahaayeen kuwo lagu isku mari waayay kuna saabsan dhanka qaadashada nidaamka 4.5 oo lagu soo dhisayo aqalka hoose ee baarlamaanka imaanaya dhamaadka sanadkaan.
Kulan uu la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka ayuu sheegay iney kaga hadleen mowqifka Puntland ee nidaamka 4.5, isaga oo warbaahinta u sheegay in marnaba aysan ka laaban go’aankoodii hore ayna wali ku dhagan yihiin.
Wuxuu sheegay in nidaamka 4.5 uu yahay mid loogu gogol xaarayo in xilka markale uu qabtaa Xasan Sheikh Maxamuud, ayna ku dhaganaanayaan go’aankooda in hab deegaanka xildhibaanada ku yimaadaan.
Sidoo kale wuxuu si cad u sheegay in nidaamka qabaliga oo isku keeni waayay shacabka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe walina xaalad adag uu kala kulmay Xasan Sheikh Maxamuud.
Dhinaca wuxuu si cad u sheegay inuusan jirin khilaaf u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Gaas ayna ka mideysan yihiin diidmada nidaamka qabaliga ee 4.5.
Cumar C/rashiid ayuu ku tilmaamay inuu wali ku dhagan yahay in 4.5 wax lagu soo doorto.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

