30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Caddeyn: DFS oo heshiis qarsoodi ah la gashay shirkado badda Soomaaliya ku shuba qashinka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Wargeyska The daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa qoray warbixin ku saabsan Heshiis ay DFS la gashay Dowlado shisheeye si ay qashinka iyo sunta dilaaga ah ugu shubaan xeebaha dalka Somalia.

Qoraalkaani oo ah mid aad u dheer ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Dowlada Somalia, ay shirkadahaasi u sheegtay inaysan heshiis la gali karin cid aan aheyn DFS, sida qoraalka lagu xusay.

Wargeyska waxa uu qoray in heshiiska uu yahay mid socon doona kaliya 2 sano, si qashinka ay ugu shubaan xeebaha Somalia iyadoo dowladu heshiiskaas dhaqaale ugu xilatay, sida qoraalka lagu xusay.

Waxaa kaloo lagu sheegay qoraalka in Heshiiska ay Dowlada Somalia marisay Hay’ado laga leeyahay dalalka Talyaaniga, Bariga dhexe iyo dalka Switzerland oo dhex dhexaad ka ahaa Heshiiska, sida xogta The daily Nation lagu sheegay.

The daily Nation, ayaa xogtaani la wadaagtay Ha’yada Green Peace oo xaqiijisay in shirkado laga leeyahay Switzerland iyo Italy ay dilaal ka ahaayeen in sunta iyo waxyaabaha qashinka ah ku daadiyaan badda Somalia.

Xogta ayaa waxaa sidoo kale lala wadaagay Hay’ada UNDP oo sheegtay in sunta iyo qashinka lagu daadinayo badda Somalia ay kasii korortay halkii ay horay u taagneyd, waxa ayna Hay’adu qeexday in dhammaan heshiiska dhacay uu yahay mid ku xirnaa Xubno gaar ah oo ka tirsan Dowlada Somalia.

Hay’ada UNDP iyo Ha’yada Green Peace, waxa ay xaqiijiyeen in Qashinka iyo Sunta lagu daadiyay Xeebaha Somalia ay ka dhasheen cuduro xun xun oo uu kamid yahay cudurka Kansarka.

Mr Warah oo ah shaqsiga diyaariyay qoraalkaani, ayaa sheegtay in dhawaan ay aragtay DUKUMIINTI uu ku qoran yahay in Dowlada Somalia oo kaliya ay heshiis la geli karto shirkadaha shisheeye ee doonayo in qashin ku daadiyaan badda Somalia, sida qoraalka lagu xusay.

Sidoo kale, Mr Warah, waxa ay qoraalkeeda ku xaqiijisay in shirkad laga leeyahay dalka BRITAIN ay heshiis la gashay mid kamid ah dowladaha Carabta kuwooda ugu dhaqaalaha badan si ay qashinka guryaha ugu daadiyaan badda Somalia.

Geesta kale, DFS ayaa la sheegay in shirkadan la gashay heshiis 2 sano ah iyadoo ay arintan lasoo marinayo shirkad Soomaali ah oo sheegtay in qashinkan dib u isticmaali doonto.

XIGASHO The daily Nation

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WARGEYSKA

http://mobile.nation.co.ke/blogs/With-all-these-shenanigans–is-there-any-hope-for-Somalia-/-/1949942/3135788/-/format/xhtml/-/kt0ctt/-/index.html

- Advertisement -

Read more

Local News