Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan maamulka iyo Odayaasha Puntland ay cadeeyen in marnaba aysan aqbali doonin nidaamka 4.5, ayaa waxaa hadana soo baxaaya nidaam ka duwan kaasi oo uu soo bandhigay Boqor Cabdullaahi Axmed Cali oo kamid ah Isimada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool.
Boqor Cabdullaahi Axmed, waxa uu sheegay in isaga oo ku hadlaaya Afka Odayaasha uu doorbidi lahaa in ka tanaasulka xulashada hab deegaan, muddo kordhin loo sameeyo Dowlada hadda jirta.
Boqor Cabdullaahi Axmed Cali waxa uu sheegay in 4.5 laga soo gud, islamarkaana KMkii uu raacay, sidaa aawgeed ay qabaan in Dowlada ay ka tanaasushu 4.5, ama wakhtiga loo kordhiyo, si loo ilaabo nidaamkaasi.
Waxa uu ku taliyay in Dowlada Somalia ay ka xishooto shacabkeeda islamarkaana aysan dadka israacsan ku cadaadin waxa ay iyada rabto, isaga oo tilmaamay in intii Puntland qaadan lahayd 4.5 in dowladda hadda talada haysa wakhtiga loo kordhiyo.
Wuxuuna taa ku sababeeyey in hadda aan la gaarin doorasho degmooyin in dalka laga qabto oo Puntland ay taageersan tahay.
Madaxda Puntland iyo shacabkeeda ayuu ugu baaqay in marnaba aan la qaadan waxa uu ugu yeeray 4.5 oo uu sheegay inuu lamid yahay cudur dilaa ah oo aan dawo laheyn.
Maamulka Puntland ayuu sidoo kale sheegay inay ka fiirsato wixii u wanaagsan iyo wixii dhib uga imaankara, isaga oo farta ku goday in arrinka iminka ay wado Dowlada uu wakhti danbe noqon doono mid dhibtiisa leh.
Dhanka kale magaalada Garowe waxaa meelaha qaarkood ku qoran NO:4.5, taasoo ka turjumaysa siday shacabka Garowe u diidan yihiin nidaamka qabiiliga ah ee 4.5ka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

