27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Dagaal maanta ka dhacay mgaalada Baladweyne

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in iminka halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega.

Dagaalka oo leysu adeegsanaayo Hubka fudud ayaa waxaa iminka ka dhashay khasaaro dhimasho leh, waxaana lasoo warinayaa in labada maleeshiyo uu maalmahaani ka dhexeeyay Khilaaf beeleed.

Inta la ogyahay ilaa laba ruux, ayaa ku dhimatay Dagaalka waxa uuna iminka kusii faafayaa qeybo kamid ah magaalada.

Dhanka kale, Xiisdaan cusub ayaa ku soo beegmeysa xilli shalay Magaalada Baladweyne lagu qabtay shir xasaasi ah oo looga hadlay sidii maleeshiyaadka looga saari lahaa Magaalada gudaheeda.

La soco wixii kusoo kordha wararkeena danbe

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News