Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulamo looga hadlaayo qaadashada nidaamka 4.5 oo u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid, Madaxda Puntland kaasi oo wali leysku mari la’ yahay.
Shirarka socda ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah tirro Odayaal dhaqmeed oo kasoo jeeda deegaanada Puntland kuwaasi oo iyaguna ku adkeysanaayo in meesha laga saaro 4.5, islamarkaana la qaato nidaamka hab deegaan, si looga gudbo 4.5 oo lagu kala soocaayo Beelaha Soomaaliyeed.
Ra’isul wasaare Sharmaarke waxa uu ku doodayaa inaan la joogin wakhtiga la qaadan lahaa hab deegaan, waxa uuna sidoo kale ku andacoonayaa in wakhtiga doorashada ay waxyar ka dhiman tahay duruufahaasi oo aan saamaxeynin in la qaato qaabka ay Puntland dooneyso.
C/wali Gaas iyo Odayaasha Puntland ayaa dhankooda ka sheegay inay qaadanayaan wixii ku saabsan wada xaajoog suuragalinkara ka tanaasulka balse ay u baahan yihiin wixii lagu qancin lahaa bedelka xuashada hab deegaan.
Dowlada Somalia ayaa iyana kasoo horjeeda qodobo dhowr ah oo ay wadato Puntland, taasi oo ay kamid tahay in Xarunta BFS loo wareejiyo magaalada Garoowe, hayeeshee taasi waxa aysan u cuntamin Dowlada.
Putland ayaa dooneysa inay ka faa’iideysato fursada taagan, halka Dowlada Somalia ay iyana ka dooneyso in Puntland ay uga guuleysato shirarka socda.
Waxaana wali jirin natiijo rasmi ah oo laga gaaray shirarka socda tan iyo markii shirarkaan ay ka bilaameen Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

