31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Keating iyo Madoobe oo ku biiraya shirka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Garoowe ka socda wadahdaladii siyaasadeed ee u dhaxeeyay wafdiga Ra’isul wasaare Cumar iyo maamulka Puntland kaasi oo la filaayo in gudaha asbuucaani laga soo saaro natiijo ka duwan kuwii hore.

Dhex dhexaadinta wada hadalka labada dhinac ayaa waxaa lagu wadaa inay ku biiraan Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating.

Axmed Madoobe iyo Micheal Keating, ayaa qeyb ka noqonaaya mas’uuliyiinta ku sugan magaalada Garoowe ee goob jooga ka noqon doona wada hadalka, si labada dhinac aysan uga beyrin qodobada lagu heshiin doono.

Micheal Keating iyo Madoobe ayaa kulamo gaar ah la qaadan doono Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia iyo C/wali Gaas, si ay waxbadan uga ogaadan shirarkii maalmahaani ka socday magaalada Garoowe, waxaana la filaya in sidoo kale ay labada dhinac u kala garqaadan, maadaama wada hadalka uu iminka maraayo meel xasaasi ah islamarkaana leysa soo hordhigay qodobo kala duwan.

Magaalada Garoowe, ayaa waxaa horaanta asbuucii tagay gaaray wafdi dhowr jiho ka kala socday, kuwaasi oo uu ujeedkoodu yahay in dhex dhexaad ay ka noqdaan wada hadalka gabagabada iminka ah ee labada dhinac u dhexeeya.

Dhanka kale, ujeedka ugu weyn ay wufuuda ugu qulquleyso magaalada Garoowe ayaa ah in ay goobjoog ka ahaadan qodobada lagu heshiiyay oo labada dhinac ay kala saxiixan doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News