30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Baaritaan: Sababaha keenay inuu wabiga qalalo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Iyadoo la eegayo sababo badan kuwaa oo keeni kara biya la’aanta wabiga shaqabelle aya waxaa lagama maarmaan ah in aanu diirada saarno arimaha soo socda oo kala ah:

  1. Taariikhda wabiga (background)
  2. Sababaha guritaanka/ Qaleyla Wabiga (Reasons )
  3. Ujeedooyinka (Objectives)
  4. Sameeynta (Impact)
  5. Xalka (Solution

1.Taariikhda wabiga

Hddii aan ku hormarno taariikhda wabiga shabelle wa wabi kasoo bilawda dhulka buuraleyda ah ee koofur galbeed ee itoobiya kaas oo dhererks yahay 1500 M dhulka soomaaliya asago mara gobolada Hiiraa, Shabellada Dhexe iyo Shabellada Hoose.

2.SABABAHA GURITAANKA

Waxaanu ukala saareynaa 3 arimood oo kala ah

  1. Isbedelka cimilada
  2. Dhumucda/dherirka hoose ee wabiga oo soo yaraatay
  3. Seddex Biyo xireen iyo todoba kanaal oo Itoopiya leexsatay
  4. Haddii aan ku hormarno isbedelka cimilada ayaa ah mid saameyn weyn ku leh sababaha qaleyla wabiga, iyadoo ay jiraan astaama muujinaya oo loo qaadan karo in ay qeyb ka noqon karan guritaanka wabiga laakin aysan noqon Karin sababta kaliya, maadaama anay jirin abaaro raagay taas oo la dhihi karo waa sababta kaliya. Waxaanu ognahay in wabiga shabelle inta badan biyaha ka helo ilo burqanaya uusan ku tiirsaneyn roobabka oo kaliya ayaan la dhihi Karin abaaraha baahsan ee kajira dhulka itoopiya iyo deegaanada kale eek u hareereysan ayaa keentay in uu guro wabiga hase yeeshee abaaruhu qeyb ayey ka qaadan karaan qaleylka wabiga.
  5. dhumucda hoose ee wabiga: iyadoo dherirka (depth) wabiga uu ahaan jiray 6M (Lix mitir) ayaa hada uu duugmay wuxuuna dheririka hoose ee wabiga uu yahay iminka 3.5M—4M celcelis ahaan, hadaba waxaanu ognahay in biyuhu halka ay maraan ay kusoo butaaciyaan camuud ayay saameyn ku yeelan karta hanaan socodkooda marka ay buuxiso ciidu durdur raaca biyaha, taasi waxey ka dhalatay dayactir la’aan in mudda ah heysatay wabiga. 1990 kadib wabigu muusan helin wax dayactir ku sameeya taasi waxey sababi kartaa in ay joogsadaan biyihii mari jiray 2.5M jooga hoose marka uu kazoo aasmay wabigu.
  6. biyo xireenada iyo kanaalada: hadaba waxaanu ognahay in dowlada itoobiya ay sameeysay 3 biyo xireen oo waaweyn kuwaas oo ay ka sameeysay godeey halka mid aan wali la dhameystirin ay ka sameysay feer-feer iyo 7 kanaal oo dhumuc ahaan kusoo dhawaana wabiga, iyadoo sababta ugu weyn ee biyo yarida wabiga ay keeni karto arintaan marka aysan jirin robab lixaad leh.
  7. Ujeedooyinka:

Hadaba, ujeedooyinka biyo xireenada waa weeyn iyo kanaalada ay itoobiya ka sameysay wabiga ayaa noqon kara kuwa dhaw iyo kuwa fog:

  • Ujeedooyinka dhaw: iyadoo dadka itoobiya gaar ahaan kuwa ay qarameysatay ee Soomaalida ayaa ahan jiray kuwa xoola dhaqato ah oo aan ka faa’iideysan beerashada miraha kala duwan ee loo adeegsan karo marka la isticmaalo biyaha wabiga, hadaba qorshaha dowlada itoobiya ee ah isku filnaasho gaarssinta dadkeeda ayey qorsheysay in ay u bedesho dadka xoola dhaqatada ah kuwa xoola dhaqato beeraley ah taas oo ay uga hor tegeyso dadkii reer guraaga ahaa ee isu kala gooshi jiray dhulka ay itoobiya goosatay iyo kan soomaalida marka ay roobabku ka curtain deeganada ay isaga kala goosshi karaan maadaama ay xoola dhaqato oo kaliya ay yihiin. Iyo in ay biya xireenada ay koronto dhalin u isticmaasho taas oo kajaban kana tayo badan korontada laga dhaliyo matoorada shidaalka ku shaqeeya.
  • Ujeedooyinka fog: iyadoo aanu ognahay in ay itoobiya aysan laheyn badaha leesaga kala goosho dunida kuwaa oo loo adeegsado maraakiibta ganacsiga iyo kuwa ciidama hase ahaatee ay dowlada itoobiya ay isticmaasho dekadaha wadamada dariska la ah sida dowlada Jabuuti, Kenya kuwaas oo ay heshiis kula gashay deked koronto ku bedelasho ayaa waxaana jirin heshiis dhanka badda ah ee u dhaxeeya itoobiya iyo soomaalida ayaa, sidaasi darted, dowlada ka jirta Soomaaliya waqti xaadirkaan ayaa ah tii ugu jilicsaneyd abid marka loo eego taariikhda dowladaha Soomaliya ay soo mareen taas oo looga faa’iideysan karo heshiishyada heer caalami ah in looga saxiixdo si fudud ayaanu dhihi karna dowlada itoobiya waxaa ku jira damac siyaasadeed oo ah biyo macaan iyo koronto jaban dekad ku badalasho oo ay uga gol leedahay in ay maamusho biyaha wabiga si halaasi ah maadaama aysan jirin dowlad soomaaliyeed adag oo si kifaayo ah ugala hadli karto arin kastaa ee heer caalami ah.
  1. Saameeynta uu yeelan karo (Impact)

Hadaba, saameynta ay keeni karto biyo la’aanta wabiga ayaan u kala qeybineynaa sidaan:

A-Wax Soosaarka, B- Dhaqaalaha. C-Deegaanka.D- Nolosha Xoolaha iyo Dadka.E-Shaqada.F-Amaanka.G-Bulshada Walaalaha ah.

  • Wax Soo Saarka: Iyadoo aanu ognahay bulshada soomaaliyeed inta badan ay ukala qeyb samaan kuwa xoola dhaqatoah, kuwa xoola dhaqato beeraley ah iyo kuwa beeraleey ah, iyagoo dhamaan ay ku tiirsanyihiin robaabka iyo biyaha wabiga uu keeno, ayaa waxaa jira kuwa si toos ah ugu tiirsan isticmaalka biyaha wabiga ayagoo u adeegsada waraabka beeraha, xoolaha iyo cunada guryaha iyo cabitaan qaarkood, bulshadaan oo qeyb weyn ka qaadata wax soo saarka dalka hadii ayagoo u adeegsanaya biyaha wabiga waraabka beeraha, xoolaha iyo xaafadaha hadii aay waayaana ay keeni karto in ay go’do il dhaqaale taas oo kamid ah ilaha ugu waaweyn ee wax soo saarka dalka.
  • Dhaqaalaha; iyadoo aan ognahay dhaqaale ahaan bulsho soomaaliyeed oo badan gaar aha kuwa ugu nugul in uu dhaqaalahoodu ku tiirsanyahay soo saarista miraha iyo qudaarta laga isticmaalo magaaloyinka waaweeyn iyo kuwa yaryar intabadan iyo in loo dhoof geeyo wadamo badan wax soo saarkooda sida sisinta, liinta, mooska iyo xoolaha nool kuwaa o ku tiirsan isticmaalka biyaha wabiga hadii ay waayaan ay keeni karto in la waayay ilo dhaqaale kuwaas oo qimo weyn ugu fadhiya bulshada soomaaliyeed si guud iyo si gaar ahaaneed intaba, taas oo ay ka dhalaneyso dhiiragelinta isticmaalka waxyaabaha loo soo dhoof geeyo soomaaliya ayna meesha ka saareyso isticmaalka wax soo saarka gudaha kaas oo markii horeba sii yaraanayey. Hadaba, tani waxey keeni kartaa hoos u dhac dhaqaale oo weyn si guud bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan bulshadii isticmaali jirtay biyaha wabiga. Tani waxey dhali karta khalkhal dhaqaale oo baaxad weyn.
  • Deegaanka; hadaba, waxaanu ognahay deegaanku in uu ku tiirsanyahay biyaha iyo noolaha si wada jir ah taas oo hadii uu waayo ay ka dhalan karto burbur ku yimaada dhul beereedka iyo geedaha la beerto intaba, si gaar ahaaneed waxaan uga hadleynaa dhulkii iyo beerihii ku tiirsanaa biyaha wabiga taas oo hadii ay waayaan keeni karta xaaluf ku yimaada deegaanka kaas oo ka dhasha dabeylaha iyo dadka aan aqoonta u laheyn geed dhireedka birma geydada ah iyo kan la dhuxuleysto iyadoo ay u kala saarneyn qiimaha u yeelan karo mid fog iyo mid dhaw intaba taas oo hadii ay meesha kabaxaan ay adkaaneyso dib usoo celintooda ayna qaadaneyso tobanaan sano.
  • Saameynta noolaha: hadaba nooluhu wuxuu u qeybsama Dad, duunyo iyo dhir noloshooduna ay ku tiirsantahay biyaha inta ugu badan iyadoo dadka iyo duunyadu ay u haajiran halka ay ka heli karayan biyaha ayaa dhirtuna ay u qalasha biyaha haddii ay ku weyso mudadi ay u baahneyd in ay sii jirto nolol ahaan.
  • Shaqada: iyadoo anay jirin cabir sax ah oo lagu qiyaasi karo tirada shaqada ee ay bixiso wax soo saasrka dalka sida beeraha iyo xoolaha nool intaba ayaa waxaa jira fursado shaqo oo ay abuuraan dhaqashada xoolaha iyo wax beerashada taas shaqa ahaan ay ku tiirsanyihiin tiro mug weyn leh oo kaabeysa in dhalinyaro badan kuwaas oo ay kaga madadaalaan qataraha tahriibka ugu horeeyo ayaa camal la’aani ku dhici doontaa hadii ay saameyso biyo yarida wabiga kaas oo ay u isticmaali jireen waraabka beeraha, xoolaha ka shaqeysashada beeraha hab farsamo sida agabka wax lagu tacbado oo ay ugu horeeyaan makiinadaha jebiska iyo matoorada waraabka iyo ka xoogsiga shaqada tacabka intaba.
  • Amniga: iyadoo aanan khibrad buuxda u laheyn howlaha amni ayaa waxaan kaga gaabsaneyna arinkan in hadii dhalinyarada ay fursadihii ay wax ku beeranjireen ay waayaan ay ka dhalan karto khatarada amaan daridda iyo tahriibka intaba kadib marka la waayo biyihii wabiga ee furaha u ahaa in ay ku mashquulaan shaqooyinka tacabka iyo ka xoogsigooda.
  • Wax barashada: hadaba, sanadihii u danbeeya waxbarashada soomaaliya ayaa waxaa lagusoo kordhiyay barashada cilmiga beeraha iyo xoolaha taas oo dhiiragelin u aheyd sida bulshadu uga faaa’iideystaan waraabka beeraha iyo dhaqashada xoolaha kuwaa intooda badan ku tiirsanaa isticmaalka biyaha wabiga, ayaa hadii ay meesha ka baxaan waxaa ka dhalan kara niyad jab ku yimaada ardaydii daney jirtay barashada culuumta beeraha iyo xoolaha.
  • Tahriibka: waxaanu ognahay in dhalinyaro badan oo soomaaliyeed u tahriibaan wadama badan sida kuwa khaliijka, America, Europe iyo wadama kale kuwaa oo ay ka raadiyaan nolol uun ka wanaagsan tan hadda ay ku noolyihiin halka kuwa kalena ay kaga mashquulsanyihiin shaqada tacabka, dhaqashada xoolaha iyo ka xoogsigooda taas oo hadii la waayo ay sababi karto in dhalinyaro fara badan ay ka huleelaan wadanka maadaama ay waayeen ishiii ay ku tiirsanaayeen oo aheyd isticmaalka biyaha wabiga.
  • Bulsha ahaan: iyadoo aan ognahay in ay tahay markii ugu horeysay oo ay ka faa’iideestaan dadyowga soomaaliyeed ee loo yaqaan kilinka shanaad ee itoobiya ayaa waxaa dhici karta in loo isticmaalo hab siyasadeed ah bulsha iska horkeenid taas micna ahaan ay dowlada itoobiya uga dhigi karto in ay hortaagnaayen uga faa’iideynta bulshada soomalida dadka soomaaliyeed oo iska in ay soomaaliya kamid yihiin laakinse haatan ay ka faa’iideysteen markey arkeen xaqiiqda ah in ay kamid yihiin dowlada federaalka itoobiya taas micnaheedu yahay (muwaadin ku sasabid)
  1. Xalka: hadaba, caqabad kastaa ee timaada waxaa ay leedahay xal kaas oo looga tilaabi karo caqabadahaas. Iyadoo la raacayo qodoban hoos ku xusan ayaan ka gudbi karna caqabadan
  2. Sameynta ceelal lagusoo saaro biyaha jiifa dhulka hoostiisa kaas oo ka badan 10 jibaar kuwa wabiga uu keeno. Hadaba tani waxeey imaan kartaa marka ay beeraleyda isku duubmaan ayna iska kaashadaan arinkan.

2.I n Allaah ay u naqdaan dadku: hadaba dhibaata kastaa ee banii aadamka ku timaada sababteeda asiga ayaa leh waxeyna ku kasbadan gacmahooda sidaa darted waa in ay ka toobo keenan dunuubta ay galeen ayna is cafiyaan, tani waxey keeni doontaa in aan loo baahan biyaha wabiga oo lahelo robaab joogta ah marka ay dadku ku xirnaadaan ALLAAH. Waana xalka 1aad iyo kan saxda ah.

W/Q: Mukhtar Ahmed

Agriculturist
- Advertisement -

Read more

Local News